Xassan sheekh oo u duulay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa Saakay ka anbabaxay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Xukuumada.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha uu furi doono Shir weynaha Maanta ka furmi doono Kismaayo kaas oo lagu Heshiisinayo Beelaha Jubbooyinka Laguna Dhisayo Maamul lagu Mideysan yahay oo ay yeeshaan Gobalada Jubbooyinka.

Dhanka kale, waxaa lasoo sheegayaa in Wadooyinka Kismaayo ay Saakay badi yihiin kuwa xiran, iyadoona la xaqiijiyay Ammaanka Magaalooyinkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com