TARSAN oo si kulul uga hadlay VIDEO uu baahiyay Tv-ga Al-Jazeera (Muxuu yahay?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bannaadir, Mohamud Ahmed Nur ‘’Tarsan’’ oo qoraal kusoo daabacay barta uu baraha Bulshada ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdooyinka Dalka Yemen ku heysta Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tarsan ayaa waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in damiirka Soomaalida uu maraayo halkii ugu danbeysay, kadib markii uu sheegay inuu Tv-ga Al-jazeera ka daawaday nolol xumi heysata Qaxootiga Soomaalida ku nool Magaalada Sanca ee Xarunta Dalka Yemen.

Sidoo kale, Tarsan waxa uu Tilmaamay in badi Soomaalida ay ku dhammaaden badda u dhexeysa Dalalka Somalia iyo Yemen, wuxuuna Dowlada Federaalka Somalia ugu baaqay inay la socto dhaqdhaqaaqyada Muwaadiniinta ku naf waaya Badaha, gaar ahaan kuwa Tahriibka ku mara Yemen, xiligaana ku jira Xirooyinka qaxootiga dalkaasi.

Nuqul kamid ah Qoraalka Tarsan ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Waxaan fiirsaday Video ay al jazeera ka soo duubtey qaxootiga Somaaliyeed ee ku sugan wadanka Yaman, wuxuuna igu beeray calool xumo iyo tiiraanyo. waxaan ka codsanayaa Mas’uuliyiinta Dowlada inay soo booqdaan xeryahaas weliba mida loo yaqaan Al jaxiim oo ay u soo jeediyaan indhaha beesha caalamka, weliba waxaan soo jeedin lahaa in dowladu ay dadkaas dib u soo celin loo sameeyo loona diyaariyo dhul looga dhiso guryo ayada oo lala kaashanaayo beesha caalamka’’

Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Nolosha ay dadkaas Somaaliyeed ku noolyihiin ma ah mid u qalanta Aadamiga’’

Haddalka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bannaadir Tarsan, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ay DFS ku mashquushay Siyaasadaha dibadda islamarkaana ay ilowday kaalintii dalka iyo dadka uga aadaneyd.

Dhanka kale, Qaxootiga Soomaalida ee ku nool xiryaha Yemen, ayaa waxa ay Xukuumadda Somalia ugu baaqen inay hiil iyo hooba lasoo gaarto oo ay ka saarto nolosha ay ku jiraan mid dhaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com