Xog ku saabsan kulanka Axmed Qoor Qoor iyo Cabdikariin Guuleed + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland.

Labada mas’uul ayaa ugu horreyn iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan deegaanada Galmudug oo ay haatan ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Intaas kadib labada dhinac ayaa waxa ay sidoo kale ka wada-hadleen arrimo ku aadan sidii loo sameyn lahaa wadatashiyo ku aadan sii amba qaadida wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay xog ku aadan kulanka uu la yeeshay Qoor Qoor, wuxuuna sheegay inuu la wadaagay talooyin ku aadan shaqada hortaallo xafiiskiisa.

“Waxaan caawa kulan muhiim ah la qaadanay aniga wafdigeyga madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie (Qoor-Qoor), kullanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaan diiradda ku saarnay ahmiyadda Wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ugu haboon ee looga miradhallin karo, waxaa uu Madaxweynaha nala wadaagay tallooyin wanaagsan oo door muhiim ah ka qaadanay dedaalada uu wado Xafiiskeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inuu sii joogo caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

“Inta aan joogno caasimada Galmudug ee dhuusamareeb waxaan sidoo kale la kulmi doonaa labada golle ee DOWLADDA Galmudug iyo Bulshada deegaanka, kuwaas oo aan ka dhageysan doono doodahooda ku wajahan ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland” ayuu sii raaciyay Mr. Guuleed.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ka sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada-hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.