Xog ku saabsan weerarkii maanta ka dhacay Marka xilli uu khudbeynayey Kheyre

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay madafaiic lagu garaacay xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, xilli uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada.

Mid ka mid ah madaafiicda oo ahaa hoobiyeyaal ayaa ku dhacay meel xoogaa u jirta barxadda xarunta degmada Marka, oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaaraha, halka mid kalena uu ku dhacay guri ay shacab degan yihiin.

Madfac ku dhacay halka u dhow masrixii uu Kheyre ka hadlayey ayaa loo maleeyey bam, sida ay horey u werisay Caasimada Online, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa baaritaan kadib xaqiijiyey inuu ahaa hoobiye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, islamarkaana halka madfaca uu ku dhacay ay ay ka yara fogeyd isaga ahaan, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii.

Madfaca labaad ayaa ku dhacay guri shacab ah, waxaana ku dhintay laba haween ah.

Dadkii joogay halkii uu Kheyre ka hadlayey ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku qasbanaatay inuu soo geba gebooyo khudbaddiisa islamarkaana goobta ay kala cararaan ciidamadiisa iyo kuwa Amisom.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan booqasho ku marayey qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, isaga oo wada dadaallo u eg olole doorasho, xilli uu qorsheynayo inuu madaxweyne isku sharxo 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
caasimada@live.com