Sawirro: Musharax kale oo kusoo biiray loolanka loogu jiro hogaanka Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdi Cabdllaahi Axmed oo lagu naynaaso (Cabdi Dheere) ayaa maantay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxwaynaha Galmudug 4ta sano ee soo socota, munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Aljazeera.

Waxaa munaasabada kasoo qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, siyaasiyiin magac ku dhex-leh bulshada Soomaaliyeed, Sariikiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Odoyaal dhaqameed, waxgarad, haweenka iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaannada Galmudug.

Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay suugaan kale duwan oo isugu jirta heeso, gabayo, iyo murti taabatay dareenka kasoo qayb-galayaasha, waxaase dhammaan dadkii ka hadlay xaflada ay isla qireen in Musharax Cabdi Dheere yahay qofkii ugu mudnaa ee Galmudug midayn-lahaa.

Gabagabadii xaflada ayaa waxaa soo xiray Musharax Cabdi C/llaahi Axmed (Cabdi Dheere) waxaana uu goobta ka jeediiyay khudbad uu kaga hadlay arrimo kale duwan, waxana isagoo sharaxaya ujeedada ku kaliftay tartanka ololaha Galmudug uu yiri “Waxaan ahay qof xog’ogaal u ah xaaladda ay Galmudug maantay ku sugan-tahay, uma tartamayo Galmudug in aan ka shaqaysto, ee waxaa iga go’an in aan Galmudug u shaqeeyo”

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrinta dakada Hobyo ayuu wuxuu yiri “Waxaa laga yaabaa haddii siyaasigu uu ka hadlo arrimaha Galmudug oo uusan dakada Hobyo soo hadal-qaadin in loo qaato qof aan waxba sheegin, sidaas awgeed, waxaan aaminsanahay in Dakada Hobyo ay tahay Dakad Soomaaliyeed, Galmudug waxaa waajib ku ah in ay diyaariso jawi lagu dhisi-karo dakadaas, balse nafaceeda, faa’iidadeeda, iyo waxtarkeedaba waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed”