Mareykanka oo shaaciyey in howlgal lagu dilay wiil uu dhalay Osama Bin Laden

Washington (Caasimadda Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden.

Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu Dhalay Osama Bin Laden.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabihiis.

Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeyo Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan.

Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihiis ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada aee kooxdaan .

Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan Dalka Pakistan 2 Bishi May Sanadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidamda gaarka ah ee Mareykanka.

Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
caasimada@live.com