Xog: Kulan dhexmaray Jawaari iyo danjiraha Imaaraadka oo shaki badan dhaliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki badan uu ka dhashay kulan dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Danjiraha Imaaraadka ee Somalia Al-Othmaani.

Kulanka labada mas’uul oo qaatay wakhti kooban ayaa la xaqiijiyay in lagu dhameystiraayay kulan qabyo u ahaa Jawaari iyo Al-Othmaani ka hor inta uusan Guddoomiye Jawaari u bixin fasaxa kalfadhiga baarlamaanka ee hadda gabagabada ah.

Kulanka qabyatirka labada mas’uul ayaa salka ku hayay qorsho ku aadan sida dowlada hadda jirta loogu dhex abuuri lahaa Xubno daacad u ah dowlada Imaaraadka balse ka tirsan garabka Damul-Jadiid.

Xubnaha uu Danjire Al-Othmaani usoo bandhigay Guddoomiye Jawaari ayaan horay uga soo dhexmuuqan dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahaan oo tirro ahaan ka kooban ilaa Siddeed xubnood ayaa la doonayaa in lagu buuxiyo Kuraas muhiim ah oo ka tirsan Xukuumada sida Wasaaradaha ku magacaaban Kheyraadka.

Sidoo kale, Kuraasta uu sida aadka ah u doondoonaayo Al-Othmaani ayaa ah Agaasimayaasha ilaa Afar Wasaaradood iyo Waaxyo dhowr ah oo ay Imaaraadku u arkaan ahmiyad gaara.

Xubnahaan ayaa sidoo kale la doonayaa in laga soo kala sooco beelo dhowr ah, iyadoo ahmiyada ugu weyn ay noqoneyso aaminaanshiyaha danaha Imaaraadka Carabta.

Jawaari ayaa bilihii ugu danbeeyay u janjeeray dhanka dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa ayna talaabada ceynkaasi ah dareen gaara ku abuurtay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa aad uga didsan Siyaasada dowlada Imaaraadka Carabta iyo xiriir hoosaadka kala dhexeeya Guddoomiye Jawaari.

Geesta kale, shakiga ugu weyn ayaa ah in Jawaari uu Xukuumada kala safto dowlada Imaaraadka oo caqabado Siyaasadeed u maleegeysa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com