Xog: Kursigii Jawaari oo loo dhigtay isbaaro siyaasadeed loona diiday inuu is-sharxo

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sanado badan kadib wajahaya inuu waayo kursigiisa xildhibaannimo oo isbaaro siyaasadeed loo dhigtay.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu diidan yahay inuu ogolaado musharaxnimada Jawaari, ayada oo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay u diideen shahaadada musharaxnimo. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aankan ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed kuna dhow Lafta-gareen.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Lafta-gareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.

Jawaari oo hadda ku sugan Baydhaba ayaa la kulmay cadaadis xooggan, waxaana lagu qasbayaa inuu kursigan isaga haro, inkasta oo isna isku dayayo in la diiwaan-geliyo mana cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan inuu Jawaari weli u qabo ciil kadib dagaal siyaasadeedkii horey u dhex maray, inkasta oo uu Jawaari ka tuuray xilkii guddoomiyaha baarlamanka.

Doorashada golaha shacabka ayaa waxaa hareeyey musuq-maasuq iyo fadeexad aan horey dalka uga dhicin, mana jirto cid wax ka qaban karta kuraas boobka xooggan ee dalka ka socda.