Xog: Laba arrin oo xasaasi ah oo qeyb ka ah qorshaha safarka Xasan ee Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu wadahadallo kula yeelan doono madaxweynaha maamulkaas Saciid Deni iyo saraakiil kale.

Villa Somalia wax faah-faahin buuxda kama bixin qorshaha safarka madaxweynaha, hase yeeshee ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow madaxweynaha, ayaa Caasimada Online u sheegay qaar ka mid ah hadafyada laga leeyahay socdaalka. 

Sida aan xogta ku helnay, ujeedka koowaad ee madaxweynaha ayaa ah isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay. 

Saciid Deni ayaa aad u rajeynayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha ama la siiyo maamulka Puntland. Labadaasba ma dhicin, wuxuuna madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha siiyey Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Xubno ku dhow Deni ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh kula heshiiyey xilka ra’iisul wasaaraha intii ay socotay doorashada madaxweynaha, inkasta oo mas’uuliyiin ku dhow Xasan Sheekh laga soo xigtay in madaxweynaha aanu sameyn ballanqaad noocaas ah.

Saciid Deni ayaa wixii ka dambeeyey magacaabista ra’iisul wasaaraha laga dareemayey inuu u xuubsiiban rabo mucaarad, ayada oo uu aad ugu dhowaaday dowladda Itoobiya oo la rumeysan yahay inay diidan tahay maamulka madaxweyne Xasan Sheekh. 

Ma cadda waxa uu madaxweyne Xasan ku qancin doono Saciid Deni, inkasta oo weligood ay aad isugu dhowaayeen. 

Arrinta kale ee aan markii hore safarka qeyb ka ahayn, balse aan xogta ku helnay in hadda ay ku jirto ajendaha, ayaa ah muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo la sheegay in madaxweyne Xasan uu ka xumaaday. 

Axmed Madoobe ayaa 22-kii Bishan qaaday tallaabo laga fursan karay oo dan shaqsi ku dhisan, kadib markii uu baarlamankiisa ka dhameystay inay hal sano ugu daraan muddo xileedkiisa oo ku eg August 2023.

Tallaabada Axmed Madoobe ayaa buuq iyo xasarad siyaasadeed ku furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo Farmaajo kula dagaashanaa muddo kororsigii sharci-darrada ahaa ee uu isku dayey. 

Xasan Sheekh ayaa la rumeysan yahay inuu Saciid Deni ku cadaadin doono inuu Axmed Madoobe u sheego inuu ka laabto muddo kororsiga, isaga oo ka dhigaya mid baarlamanku gaareen balse isagu diiday.