Xog: Lacagta cusub ee Soomaaliya oo laga saari doono Xaawo Taako

Muqdisho (Caasimada Online) – Sargaal ka tirsan Bangiga adduunka oo lagu magacaabo Aly-Khan Satchu ayaa ka hadlay lacagaha cusub ee dhawaan loo sameyn doono Dowladaha Somalia.

Sargaalkaani ayaa sheegay in lacagaha cusub lagu arki doono astaamo aan horay loogu daabicin lacagaha laga isticmaali jiray Somalia.

Waxa uu sheegay in isbedelka uu kamid noqon doono xaanshida boqolka shillin ”Ssh100” oo laga saari doono sawirka Xaawo Taako.

Aly-Khan Satchu oo u waramaayay wargeyska Financial Times ee kasoo baxa dalka Britain, ayaa sheegay in lacagaha cusub laga saari doono inta badan calaamadaha lagu aqoonsan jiray sida sawirka gadaal uga dhagan boqolka shillin ee muujinaya haweenayda qaybta ka ahayd halgankii Somalia Xawo taako.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Lacagta cusub waxaa ka muuqan doona astaamo cusub waxaana ka bixi doona astaamihii hore Xaawo Taako”

”Lacaga cusub wey kala duwanaan doonaan waxa ayna noqon doonaan kuwo aan dib loo sameyn karin haddii ay dhacdo inay sameeyan kuwa ku xeeldheer sameynta sharci darada ah”

Aly-Khan waxa uu ka gaabsaday sababta looga saarayo lacagta Xaawo Taako, balse waxa uu cadeeyay inaysan qaadi doonin talaabo aysan la ogeyn dowlada Somalia.

Bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka ay bixinayaan inta badan qarashka lacagta cusub lagu daabacayo oo dhan $60 malyuun oo doollar.

Geesta kale, Haweeneyda Xaawo Taako ay ku dhimatay halgankii gobonimo doonka Soomaaliya sanadkii 1948-dii, waxaana sidaa darteed loo aqoonsaday in astaan looga dhigo lacagaha laga isticmaalayay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com