Xog: Lacagtii uu qaadi jiray Maamulka Gobalka Banaadir oo istaagtay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay istaagtay guud ahaan lacagtii uu qaadi jiray maamulka Gobalka Banaadir ee aheyd canshuurta dowladda Hoose. 

Lacagtaan Canshuurta ah ayaa laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga, Guryaha, Bajaajta iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee magaalada Muqdisho.. 

Sababta ay u istaagtay qaadista lacagta canshuurta ah ayaa lagu sheegay inay shaqada joojisay shirkada si gaar ah loo leeyahay oo nidaamkeedu (System) heerkiisu sarreeyo ay joojisay wada shaqeyntii gobalka, iyadoo sidoo kale diiday inay bixiso xogtii la keydiyay ee sanadihii la soo dhaafay. 

Shirkadaan oo qaabkeeda shaqada la mid yahay kan wasaaradda maaliyadda canshuurta ku qaado islamarkaana ay aqoonsan yihiin IMF iyo World Bank ayaa weysay lacagto boqolaal kun ah oo ay ku yeelatay dowladda Hoose. 

Nidaamka shirkadda ayaa sheegi jiray canshuurta iyo goorta la bixiyay haddii muran yimaado ama la isku dayo in laga been sheego xogta lacag bixinta. Sidoo kale waxaa ku keydsanaa xogta hanti badan oo ma guurto ah oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar. 

Xogta ayaa tilmaameysa in aysan dowladda hoose helin shirkad kale oo shaqadaan qabata. Sidoo kale waxay xogtu sheegeysaa in haddii la helo shirkad kale ay adkaan karto qabashada shaqada maadaama aan la kala ogayn cidda lacagta bixisay iyo kuwa aan bixin. 

Saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska maaliyadda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in bilaha soo socda aysan wax lacag ah oo ka mid ah adeegyada iyo mushaharka bixin karin islamarkaana ay bishaan si dhib leh ku bixiyeen.