Xog laga bixiyey Soomaali loo xiray inay qarax geeyeen hotel uu madaxweynaha…

Kampala (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa ka hadashay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee booliska dalka Uganda ay u qateen tuhunnada la xariiray inay ku lug la haayeen qaraxyo lagu diyaariyey hotel uu qorsheynayey inuu booqdo madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Ciidamada booliska Uganda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Kampala waxay ku soo qabteen ilaa todoba qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu tuhmay inay wax ka ogyihiin qaraxyo lagu diyaariyey hotel-ka Speke Munyonyo oo toddobaadkan uu qorsheynayey inuu booqdo Madaxweyne Yoweri Museveni.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dadka la xiray oo gaaraya todoba qof uu kala xariiray dowladda Uganda, isla markaana ay ku guuleysteen in la sii daayo hal gabar oo dadka xiray ku jirtay.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ku war-gelisay in lixda qof ee kale ay baaritaano ku socdaan, isla markaana illaa hadda aysan jirin wax cadeymo ah oo dadkaas Soomaliyeed lagu helay.

“Wax weyn maaha oo dadka baaritaan ayaa ku socda, wasaaradda arrimaha dibadda Uganda waxaan ka codsanay in dadkaas naloo sii daayo hadiisan cadeymo ku heynin, waxayna noo sheegeen in ilaa hadda baaritaanada hordhaca ah ee lagu sameeyey aysan wax cadeymaa ku helin, waxaan rajeynaa in lasoo daayo dadkaas ilaa Jimcaha, jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaana waxaan ka codsanaa inay is dejiyaan,” ayuu yiri Danjire Cali Cagabaruur.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo, sidoo kale Safiirka ayaa qiray in ninkii gaariga lahaa uu ka mid yahay dadka xiran.

“Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray.

Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni.

Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Hoos ka dhageyso wareysiga Safiirka Soomaaliya ee Uganda