Xog laga helaayo doonyo lagu duqeeyay biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen (Yaa duqeeyey?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka xeebaha Somalia ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Sucuudiga ay duqeyn dhanka cirka ah u geysteen doonyo ay la socdeen 20 qof oo u dhashay Dalka Hindiya.

Doonyahaani la duqeeyay ayaa maraayay biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, waxaana lagu dhuftay ilaa 4 gantaal oo burburiyay labada doonyo.

Vikas Swarup oo ah Sargaal u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Hindiya ayaa sheegay in Dowlada Sacuudiga ay labadaasi doonyo la dhacday gantaalo culus oo dhaliyay khasaaro xoogan.

Mr Vikas Swarup ayaa sidoo kale, sheegay in 13 ka mid ah dadkii la socday labada doonyo ay noolyihiin halka Todobada soo hartayna ay yihiin kuwo lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Vikas Swarup waxa uu tilmaamay in ilaa iyo iminka Dowlada Sacuudiga aysan ka jawaabin weerarka ay ku xasuuqday Muwaadiniintaasi.

Labada doonyo ee la duqeeyay ayaa ahaa Kalluumeysato sida uu sheegay Vikas Swarup oo ah Afhayeenka Wasaaarada Arrimaha dibadda Hindiya, faah faahin kalena kama uusan bixin waxa xiga dhinaca Hindiya.

Dhanka kale, sababta ka danbeysay duqeynta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Cirka is baheysiga Sucuudiga ay Doonyahaasi ku qaldeen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo dhanka badda adeegsanaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com