Ma dhabaa in DAACISH ay dhalinyaro farabadan ka qoraneyso deegaanada maamulka Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online)-Idaacadaha qaar ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa baahiyay in Kooxda Daacish ay dagaalyahaano ka qoraneyso deegaanada Maamulka Puntland.

Idaacada SMN oo xiganeysa Hooyo Soomaaliyeed oo dhacdadaani la soctay, ayaa sheegtay in Kooxdu ay ilaa 10 dhalinyaro Soomaali ah oo la qafaalay lagu biiriyay.

Waxa ay sheegtay in dhalinyaradaasi laga kaxeeyay Magaalada Boosaaso, waxa ayna tilmaantay in goortii la kaxeynaayay lagu waday qaab farsameysan loogana sheekeeyay in loo tahriibinaayo Europe iyadoona markii ay raaceen doonta lagu wargeliyay in ay ka mid noqonayaan dagaalamayaasha Daacish, sida ay hooyadaasi sheegtay

”Goortii lagu wareejiyay daacish waxaa nala soo xiriiray mid kamid ahaa dhalinyarada oo telefoonka nagala soo xiriiray xili uu ku jiray suulida, waxa uuna nagu wargaliyay inay ku jiraan gacanta daacish”

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, oo si weyn u soo suuq galay saacadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka oo la hadlay BBC, ayaa isna xusay inaanay Puntland ka suurta geli karin in laga qorto xoogag u dagaalama dhinacyo gaar ah, sida Ururka Daacish oo kale.

Mar wax laga weydiiyay dhalinyaro dooni ka raacay xeebaha Gobolka Bari, ee u amba baxday dalka Yemen, ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay tahriib u socotay, balse aynaan u socon inay u dagaalanto Daacish.

Arrintaan ayaa walaac xoogan ku abuurtay qoysas badan oo dhalinyaradooda ay tahriib u aadeen si ay u gali lahaayeen qaar ka tirsan wadamada Europe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com