Mooshinka mucaarad miyaa wata, mise dowlad? 

Mooshinka waxa wata waa mucaarad ka soo horjeeda dowladda dalka ka dhisan. Haddaba waxaa is weydiin mudan mucaarad hadafka laga leeyahay waa maxaay? Ma waxaa loola jeeda Mooshinka in wax lagu toosiyo mase in waxa dhisan lagu dumiyo? Xildhibaanada mooshinka daba cararaya ma ahan dad kala garan kara waxa toosan iyo waxa qalloocan. Haddey kala gartaana waxay u janjeeraan inay u adeegsadaan dhinaca xun. Meelo badan iyo munaasabooyin kala duwan ayaa laga caddeeyay in mooshinku yahay mid aan sharci ku dhisneyn wax eedeyn ah oo muuqdana ( tangible evidence) aysan soo gudbin kuwa loo soo dhiibay oo aad loogu adkeeyay inaysan marna qaadanin kana qayb gelin wada hadal lagu saxaayo khaladka ay dhex dabaalanayaan.

Af-Hayeenka baarlamaanka Mr Jawaari khaladki uu horey u galay oo ahaa inuu qabto mooshinka, ayuu mid kale rabaa inuu ku saxo, kaasoo ah inay ka wada xaajoodaan guddi ka socda barlamaanka iyo xukuumada. Ma mooshin aan sharci ku dhisneyn ayaa laga wada xaajoonayaa…iyadoo la joogo waqtigi loo baahnaa in howlo badan la qabto…waa wax lala yaabo oon marna laga fileyn inuu ku kaco Jawaari oo kale oo sharci yaqaan ah!!!

Dhanka kale, mucaarad waa la yaqaan, ahdaaftiisana marka la soo koobo waxay noqoneysaa in talada ay iyagu qabtaan, kuwa talada haayana ay u raadiyaan eedeyn dadku aqbali karaan, waana waddada loo maro xakunka meelaha ay ka jiraan doorashooyinka…laakin Somaliya oo kale ma ahan in ay mucaarad yeelataa waayoo waxa loo ordaayo waa in dalkaan dhibaatada ku habsatay jiilka soo socda laga badbaadiyo, ummaddana degganaan iyo barwaaqo loo horseedo. Kuwa mooshinka wada waxay ka soo horjeedaan horumarka iyo hiigsiga la doonayo in la gaaro 2016!!! Waana ajendaha uu u soo wakiishay C/weli Gaas oo ballanqaaday inaysan Somaliya degin isagoo isu diyaariyay inuu qas iyo carqalado waaweyn ka fuliyo dalka oo dhan.

Dadka fulinta howlahan loo adeegsanayo waxaa ka mida kuwa mooshinka sida badankooda iyo kuwo sita derejo doktoor sida Baadiyow, Cali Geedi, Jurille, Xoosh, Goodax iyo qaar kale oo badan. Waxaa loo ballanqaaday in maaligelinta iyo masaariifta ay u bahdaan oo dhan la soo diyaariyay, lacagta uu C/weli soo daabacayna ay mar dhaw soo gaari doonto Xamar si loogu adeegsado burburinta dhaqaalaha dalka, laguna hakiyo tallaabooyinka loo qaadayo dhinaca hiigsiga 2016. Beesha caalamka si fiican ayey ula socotaa tallaabooyinka C/Weli uu qaadayo iyo kuwa uu damacsan yahay. Dhowr jeer ayeyna uga digeen falfal xumida iyo cadaawada uu caadeystay oo dhibaato weyn ku haya dalka iyo dowladda dhexe…waa cadawga ugu weyn ay Somali leedahay maanta!!!

Nasiib darro, Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa ka gaabisay masu’uuliyadda ka saran amniga iyo daryeelka danaha guud ee ummadda..waxaa looga baahan yahay Madaxda inay tallaabooyin ka qaadaan kuwa dalka cadawga ku ah ee doonaya inay hakiyaan oo ay dumiyaan horumarka yar ee la gaaray. Waxay xukuumadi ku mashquuliyeen mooshin aan caga ku taagneyn oo laga dhigay howsha ugu weyn ee la wada hadal haayo meel kasta.

Haddaba, sidee looga badbaadi karaa sunta ay buufinayaan cadawgaan nagu dhex jira? Waxaa naga tala ah in Jeneraal Tuuryare loo fasaxo inuu dadkaan dabagal ku sameeyo, lana qabqabto si balaayada ay wadaan ummadda looga badbaadiyo. Waxay ka hadlayaan TVyada, waxay laaluush siinayaan websiteyo qaarkood si hadalkooda iyo sawiradooda loo faafiyo..waana in la xasuusnaado inuusan XASAANAD lahayn ninka dalka cadawga ku ah oo ka shaqeynaya burburka iyo barakaca ummadda, kuna abuuraya dhallinta shaki iyo inay dalka ka cararaan oo ay badaha ku le’daan. Dadka noocaasa oo la wada yaqaanno waa inaan loo oggolaan inay dalkaan burburiyaan oo mustaqbalka noo soo ifaayo ay naga demiyaan, shaki iyo walbahaar nagu abuuraan…Mooshinka danta laga leeyahay ma ahan ridida Madaxweyne Xasan Sheikh oo kaliya balse waa mu’aamaro ka weyn kana khatarsan sida iyo meesha loo maleynayo…Ilaahow Madaxda dalka garan sii oo u ifi waxa dadku qaar arkeen si ay uga hortagaan balaayada soo socota si geesinnimo ku dheehan tahay!!

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com