Xog cusub: Guddoomiye Jawaari oo is-casilaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ku goodiyay inuu iska casilayo xilka gudoomiyaha baarlamaanka haddii xildhibaanada aysan dhameyn khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha dhexdooda ah.

Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inuu ku wareeray mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ay ku kala aragtiyo duwan yihiin oo lasoo gaarsiiyay xafiiskiisa, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar.

Jawaari, oo ka hadlay mooshinka xildhibaanada ay kala gudbiyeen ayaa waxa uu 4tii bishan  soo saaray warqad qoraal ah oo ka koobneyd dhowr bog, kuna aadaneyd in xildhibaanada wadahadal ku dhameeyaan khilaafka dhanka mooshinka ah.

Sidoo kale Gudoomiye Jawaari, ayaa marar badan ku celceliyay in loo baahan yahay kala aragti duwanaanshaha baarlamaanka lagu xaliyo wadahadal oo kaliya, maadaama xildhibanada badankood iminka labo u kala qeyb sameen.

Ugu dambeyn Gudoomiye Jawaari oo u muuqda inuu ku jahwareeray mooshinka ayaa ku goodiyay inuu iska casilayo xilka, haddii xildhibaanada aysan isku mid ka noqon mooshinada isdiidaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com