Xog: Mas’uuliyiinta & saraakiisha Ahlu-Sunna oo agabkooda ka rartay magaalada Dhuusomareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Dhuuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ayaa halkaasi horay uga sii qaatay dhamaan wixii dhaawacyo ka yiilay isbitaalka Magaalada dhuusa-mareeb halkaasoo lasoo gaarsiiyay maalmihii dagaaladu ka socdeen Magaalada Cabudwaaq.

Bixitaanka Mas’uuliyiinta Ahlusuna Wal-jameeca waxa uu imaanayaa xili shalay ilaa iyo Habeenimadii xalay uu kulan u socday Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan duleedka Dhuusa Mareeb, waxaana la ogeyn in kulankaas uu salka ku hayo ka bixitaankooda magaalada iyo inkale.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka uu ahaa mid Ahlusunna lagu wargalinaayay inay hubka dhigaan islamarkaana ku biiraan Maamulka Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe sheekh Maxamed Shaakir hor dhigay labo arin midkood inuu qaato inuu ku biiro Galmudug hubkana ku wareejiyo Ethiopia iyo inuu diyaar u noqdo talaabo cad oo laga qaado.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in hada dhuusa mareen duleedkeeda lagu arkayo inta badan ciidamadii Ahlu suna.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanada Mareer Gur iyo Godinlabe oo ay ku kala sugan yihiin ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

Dhanka kale, Shacabka ku nool deegaanka Mareer Gur ayaa bilaabay inay ka qaxaan deegaanka, kadib markii cabsi ay la soo deristay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com