“Qaska uu nagu dhex wado Jawaari wuxuu sare u qaadayaa dareenkeena ah riditaanka Xasan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaliif Maxamed Xaaji oo kamid ah Mudanayaasha sida aadk ah kaga soo horjeeda Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu carqaladeynaayo nidaamkii lagula xisaabtami lahaa Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Jawaari uu kasoo horjeedo in faragalin lagu sameeyo arrimaha Madaxweyne Xassan, islamarkaana ay u arkaan inuu hortaagan yahay in Mooshinka la horgeeyo Baarlamaanka si madaxweynaha loola xisaabtamo.

Wuxuu tilmaamay in gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu si ganbasho la’aan ah uga caga jiidayo in mooshinkaasi loo gudbiyo maxkamadda sare ee dalka, isaga oo garwaaqsan hadii la gudbiyo Mooshinka in Xassan Sheekh uusan kusii nagaan doonin xilka.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji waxa uu sheegay in aysan garan sababta keenaysa in xilligaan Jawaari uu ka meer meero gudbinta mooshinkaasi, si maxkamadda usoo kala cadeyso, isaga oo hoosta ka xariiqay in iyagu ay ku taagan yihiin waddo sharci ah.

Sharci darro ayuu ku sheegay in Jawaari uu ka hor istaago Mooshinka, balse dhankooda ay ka go’an tahay inay xisaabtan la daba joogan Xassan Sheekh inta uu xilkaasi hayo.

Arrinta doorashada 2016-ka ayuu sheegay inaysan saameyn doonin Mooshinka iminka ka yaal Madaxweyne Xassan waxa uuna taasi sabab uga dhigay in qofka la heysto uu yahay kaliya Xassan Sheekh balse howlaha kale ay sidooda usii socon doonaan.

Dhanka kale, Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ag yaalla mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mid lagu difaacaayo waxaana arrinta Mooshinadaasi ka taagan Khilaaf aad u weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com