Arag Sawirrada: Dad badan oo maanta ku la’day masaajidka xaramka kadib wiish kusoo dumay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ugu yaraan 65 ruux ayaa ku dhimatay inkabadan 140 kalane waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii wiish kamid ah wiishashka dhismaha kawada Masjidka Xaramka Makkah uu soo dumay.

Wiishkan, ayaa ku taagnaa dhismaha ku yaala inta u dhaxeyso Safa iyo Marwa, birihii wiishka oo go’go’ay, ayaa ku soo daatay dad markaasi ku tukanaayay barxadda Maqaamu Ibraahiim.

Wiishka ayaa la rumeysan yahay inay kusoo dhacday biriq ka dhalatay roob ka da’aayay dalka Sacuudiga.

Shilka kadib waxaa durbadiiba Masjidka soo gaaray gaadiidka gurmadka ee Ambalaasta loo yaqaan oo iyagu halkaasi ka qaaday dhaawaca iyo Meydadka dadkii ku waxyeeloobay wiishka dumay.

Illaa hadda lama shaacin dadka ku dhintey shilkan wadamada ay ka soo jeedaan. Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka tegey dalka iyo kuwo kale oo wadamada caalamka ka kala yimid ayaa ka mid ah malaayiinta ruux ee gudanaya waajibaadka xajka sanadkan.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

</p

"</p