Weerar halis ah oo uu ka bad-baaday taliyaha…!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefashinka dalka Burundi ayaa baahiyay in Taliyaha Ciidamada dalka Burundi uu ka badbaaday weerar lagu kharijin lahaa.

Telefashinka ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday kolonyo gaadiid ah uu la socday Taliyaha, waxaana weerarkaasi ku dhintay 7 Askari oo la socday Taliyaha, halka dhinaca Kooxda weerarka soo qaadayna ay kaga dhinteen ilaa 2 ruux.

Xiliga uu weerarka dhacaayay waxa uu Taliyaha maraayay bartamaha caasimada Bujumbura, waxa uuna kusii jeeday Wasaarada gaashandhiga dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Burundi ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu nabad qabo kana badbaaday weerarkaasi lagu dili lahaa.

Kooxda weerarkan soo qaaday ayaa sida la sheegay ku labisnaayeen dareeska Ciidamada Militeriga waxa ayna wateen gaadiid ciidan oo loo soo ekeysiiyay kan Militeriga.

Weerarka ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkaani dalka Burundi ay ka jirtay xiisado la xariira wakhti kororsi uu sameeyey Madaxweynaha Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com