Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo is horfadhiya iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa isku horfadhiya deegaanka Mareer-gur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ciidamo badan oo taabacsan maamulka Galmudug la geeyay duleedka deegaanka.

Deegaanka Mareer-gur waxaa ku sugan Ciidamo taageersan maamulka Ahlu sunna ee  gobolada dhexe, laakiin Galmudug oo ciidamo ay ka joogeen deegaanka Godinlabe ayaa hadda ciidamo kale geysan deegaanka Mareer-gur.

Labada maamul ciidamooda ayaa isku muuqda waxayna isku jiraan inka yar 2 KM sida au xaqiijiyeen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dadka shacabka ah bilaabeen iney isaga hayaamaan deegaanka, iyaga oo ka baqaya in dagaalo ka dhacaan deegaanka Mareergur.

Labada maamul ee Galmudug iy Ahlu sunna ayaanan ka hadlin xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud.

Saacad waliba ayaa la fileysan karaa in dagaal uu ka dhaco deegaanka, sabab la xiriirta ciidamada oo isku muuqdo iyo gurmadyo cusub oo ciidamada ay helayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasima da@live.com