XOG laga helayo diyaarado gantaal ku garaacay gaari ay la socdeen 5 gabdhood oo Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad dagaal oo la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa gantaalo la dhacday gaari yar oo ay la socdeen Gabdho Soomaaliyeed oo ku sugnaa Magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Xiliga gantaalka lagu dhufanaayay ayaa waxa uu gaarigaasi siday 5 Gabdhood oo kusii jeeday goobahooda shaqo.
Gabdhahaani ayaa deegaan ku ahaa Magaalada Sanca, waxa ayna xiligaasi kusii jeeden raadinta nolol maalmeedkooda, sida laga soo xigtay qoysaskooda.

Gaariga ayaa ku socday xooli waxaana xiligaasi Hawada Sanca dul heehaabayay diyaarado dagaal oo ay adeegsanayeen isbaheysiga Sacuudiga, waxaana sidaa gaariga ugu dhacay gantaaladii lagu soo riday.

Diyaaradaha isbahaysiga, ayaa si joogto ah u beegsanaya xarumaha ay Magaalada Sanca ku lee yihiin Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta, kuwaa oo diidan in tallada dalka ay dib ugu wareejiyan Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

Dhanka kale, Duqeymaha ay diyaaradaha isbahaysigu ka wadaan dalka Yemen, ayaa waxay waxyeelo muuqato ka soo gaaraysaa dadka rayidka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com