Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka shanqariyay hal arrin oo in muddo ah ay dhalinyaradu sugayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka shanqariyay arrinta la xiriirta Istaadiyuum Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo baahiyaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed u qabaan in Ciidamada AMISOM looga saaro garoonka ciyaaraha ee Istaadiyuum Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhawaan laga saari doono Ciidamada.

Waxa uu sheegay in durbadiiba uu Saraakiisha Ciidamada AMISOM kala hadlay inay faarujiyaan garoonka, wuxuuna tilmaamay in rajo wanaagsan uu ka qabo in Ciidamada ay isaga baxaan garoonka.

Madaxweynaha waxa uu cadeeyay in degitaanka Ciidamada ee Garoonka ay aheyd mid keentay duruufo gaar ah balse hadda ay u muuqato in laga maarmi doono in Ciidamada ay halkaasi sii degnaadan.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya xili goor sii horeysay Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed ay ka shanqariyeen baahida loo qabo garoonka, hayeeshe aysan DF Somalia ahmiyad siinin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com