Ahlu Sunna oo taageero ka hesha dal ISLAAM ah oo aan laga fileyn iyo Galmudug oo xog bixisay.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa fashilay sir u qarsooneyd maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo ku aadan cidda ay taageerada kaga helaan dagaalada ay ka geysanayaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan, “Masagawaa” oo saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in maamulka Ahlu sunna ay taageero ka helaan Dowlada Iran.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Iran ay ku taageerto Ahlu sunna ayna dhibaato joogto ah ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Galmudug.

“Galmudug waxay cadeyneysaa in Kooxda SUFA ay taageero ka hesho Dowlada Iran oo taageero kala duwan siiya Ahlu sunna, waana wax laga xumaado in deegaanadaasi colaad laga huriyo, Galmudugna ma yeeleyno in colaad la huriyo”ayuu yiri Masagawaa.

Dowlada Iran ayuu sheegay in dan gaar ah ka leedahay deegaanada maamulka Galmudug laakiin aysan socon doonin, maadaama dadka ku dhaqan gobolada dhexe diyaar u yihiin maamul wanaagsan iyo wax wada qabsi, sida uu hadalka u dhigay wasiir Masagawaa.

Ahlu sunn ayaanan dhankeeda ka hadlin arinta ku aadan iney taageero ka helaan dowlada Iran ayna wadaan dano gaar ahaaneed, balse dhankooda horayay ayay Galmudug ugu eedeeyeen iney  hurinta colaado ka wadaan gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com