XOG: R/W CCC oo waji cusub kala kulmay Xasan Sheekh iyo siyaasad cusub oo soo shaac baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali ugu baaqay inuu faraha kala baxo Arrinta Mooshinada iska soo horjeeda.

Ilo xogogaal ka howlgala Xarunta dalka looga arimiyo ayaa Caasimada u xaqiijiyay in arrintaani ay ka danbeysay kadib markii Madaxweyne Xassan uu yeeshay dareen muujinaayo in Ra’isul wasaare Cumar uu ku fashilmay qorshihii ku aadanaa xal u helida Mooshinka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa mudadii uu faraha kula jiray Mooshinka iska horgeeyay Xildhibaano farabadan oo markii danbe sababtay in Xildhibaanadaasi ay carro awgeed usii laba jibaaren Mooshinka.

Madaxweyne Xassan oo arrintaasi ka duulaya ayaa Ra’isul wasaare Cumar ku wargaliyay inuu faraha kala baxo Mooshinada, taasi badelkeeduna looga baahan yahay inuu sheeda sare kala socdo qaabka ay isku dhaafayaan labada Mooshin.

Arrintaani ayaa imaaneysa Xili Madaxweyne Xassan uu ku guuleystay inuu kala furfuro qaar kamid ah Mooshin wadayaashii kasoo horjeeday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com