Warbixin: Tedros Adhanom oo gaaray Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr.Tedros Adhanom ayaa goor dhawayd ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaaya Xubno ka tirsan Dowlada Ethiopia, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha iminka la caleemasaarayo ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka kala tirsan labadiisa Gole.

Wasiir Tedros Adhanom, ayaa kamid ahaa madaxda lagu casuumay ka qaybgalka xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland oo ay maanta ka dhacaysa Magaalada kismaayo.

Waxaa sidoo kale Kismaayo laga sugayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kenya iyo Xubno kale oo ka tirsan dalkaasi Kenya.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isna lagu wadaa in goor dhow uu gaaro magalada Kismaayo.

Shalay waxaa magalada Kismaayo gaaray madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo, waxaana hakat ku jira isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com