Xog: Madasha Qaranka oo maanta qorshe yaab leh soo bandhigeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka xubnaha madasha qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada kuwaas oo marka la isku soo xooriyo la Magac baxay Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ayaa maanta furmaya, waxaana ugu horreyn lagu gorfeyn doonaa Amar ay hor dhigeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wafdi ka socday Beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay kuwaas oo uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan ayna ku kulmeen Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Amarka uu huwan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee uu la wadaagi doono Hoggaamiyayaasha kale ee Madasha ayaa ah in Masuuliyiinta Beesha Caalamka ee uu la kulmay ay Cadaadis ku saareen in Doorashada waqtigii ugu dambeeyay  ee lagu dhawaaqay ay ku qabsoonto oo ah 30-Ka Bisha November ee soo socota haddii kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gabi doono Masuuliyaddiisa lagalana noqon doono Xasaanaddiisa  taas oo sahleysa in howlaha dhismaha dowladda iyo adeegyada kale ee inta sharciyad bedesha laga helayo ay sii heyn doonaan Beesha Caalamka si KMG ah ayna dhameystiri doonaan Howlaha Doorashooyinka.

Sidaas daraadeed ayaa Madaxweynaha iyo Saaxiibadisaku fikirka ah ee ka qeyb galeysa shirkaasi Berri waxa ay damacsan yihiin sida ilo Xog ogaal ah oo ku dhow dhow Madasha ay noo xaqiijiyeen in ay Hoggaamiyayaaha maamul Goboleedyada ay hor dhigaan soo jeedin ku aadan in maadaama dhismaha Aqalka Sare uu u baahan yahay waqti badan ayna harsan yihiin howlo kale oo doorashada lagama maarmaan u ah dib loo dhigo islamarkaana la xareeyo 135-ta Oday si ay u dadajiyaan dhismaha 275 Mudane ee Xildhibaanada Aqalka hoose iyadoo laga tallaabsanayo qorshihii ku aadanaa in mudane kasta ay soo doortaan 51 qof oo heybtiisa ah.

Markii Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ee Aqalka Hoose la soo Magacaabanaya ay iyaguna doortaan Guddoonka sare ee Baarlamaanka hadana ay soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada oo iyaguna la sheegay inta aan la soo hor dhigin qorshaha Madaxtooyada ay quud dareyneyso ayaa si ay uga sii tabaabusheystaan hanaan u muuqday ku xumeyn waxa ay si isdaba joog habeen ka hor illaa shalay u soo bandhigayeen Magacyada Musharrixiintooda Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Dhexe.

Weliba waxaa Xusid mudan in Musharrixiinta Aqalka Sare ee Maamul Goboleedyada soo bandhigeen ay mar hore gudbiyeen shuruudihii laga rabay oo ay ka mid tahay Lacagihii ay isku soo sharraxayeen ee gaareysay $10,000 ( Tobanka Kun dollar).

Halka kuwa Dumarka ah ee ka mid ah Musharrixiintaas Aqalka Sare ay dhiibeen lacag dhan Min $5,000 ( Shan kun oo dollar) sida horay la iskula meel dhigay.

Hadaba Madaxtooyada ayaa la sheegay in sababaha ay ugu xusul duubeyso in Aqalka Sare howlahiisa laga dib dhigo Howlaha kale ee Doorashada maadaama sidii ka muuqatayba xubnaha u sharraxan Aqalkaas ee maamul Goboleedyadu soo bandhigeen aysan wax ku ool ka ahayn oo aysan ka muuqan Taageerayaashooda.

Ma jirto Taag yari ka reebtay qaar ka mid ah Masuuliyiinta ay Saaxiibka dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in ay ka soo muuqdaan Musharrixiinta Aqalka Sare hadana waxaa laleeyahay haddiiba sida ay daneynayaan wax u dhacayaan Ogaal ay dheer yihiin Musharrixiinta kale ee isi soo  qaddimay ayey doorashooyinka aqalka sare uga hareen oo ah in Aqalka sare Doorashada laga dib dhigayo sida ay dadaalka ba’an ugu jiraan taageerayaasha Madaxweynaha.

Taasi ayaana sida kuu muuqata ku cad in Xubnahaasi meeshii ay ka soo muuqan lahaayeen Aqalka Sare dadaalkooda isugu geyn doono Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka oo ay hoosta ka xariiqeen in uu noqdo midka Madaxweynaha soo socda dooran doono.

Aqalka Sare ee la doonayo in la Maja xaabiyo lagana dib dhigo doorashada ayaa xubnaha ka soo muuqday waxaa ugu cad cad Taageerayaasha Sheekh Shariif iyo kuwa ay wataan Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood oo doorashada ka qeyb galkeeda damac uga jiro ama doonaya in ay ku gor gortamaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageerada ugu badan ka filaya in uu ka helo Xubnaha Baarlamaanka dowladda Federaalka ka soo gali doona Maamulka Hir Shabelle oo dhismihiisa ay dowladda uu majaraha u hayo dadajineyso.

Laakiin waxaa taageerayaasha Madaxweynaha sugaya Xarig Jiid xoogan Bacdama Galmudug oo ay ku tashanayeen marka laga ififaalo qaato Musharrixiinteeda Aqalka Sare u muuqdaan mid isku halleyntooda halkaas aysan caga badan ku taagneen.

Maamulka Koofur Galbeed oo dhawaan uu Madaxweynuhu booqdayna waxa uu kala soo laabtay Waji Gabax kadib markii Hoggaamiyaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Adan uu jawaab kooban ku siiyay in qudhiisu yahay Musharrax una baahnaan lahaa haddii Xasan Sheekh qudhiisa uu taageero u fidinayo.

Shariif Xasan oo la sheego in uu yahay Nin saameyn weyn ku dhex leh Saaxada Siyaasadda Soomaaliya ayaa markaan hunguriyeynaya in Digil iyo Mirifle ka soo dallacaan Jagada  Guddoonka Sare ee Baarlamaanka ayna noqdaan Madaxweynaha dalka haddii kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ay ku soo baxaan.

Si Riyadaas ay ugu rumowdana waxa uu la soo shir tagay Musharrax Guddoonka Baarlamaanka oo heyb ahaan ka soo jeedo Beelaha Daarood , kaas oo la filayo in uu noqdo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdirashiid Xidig.

Hadaba isku dayga Madaxtooyada Soomaaliya ee ah qorshaha ay ku doonayaan in ay ku laalaan Aqalka Sare oo looga taageero batay sida Muuqata ayaa sida iska cad waxa aysan u cuntami doonin inta badan Maamul Goboleedyada dalka oo si ay u Majaxaabiyaan Hindisaha Madaxtooyada dadajiyay Magacaabistooda Xubnaha Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka.

Sidaas aawgeed ayaa laleeyahay waxaa suura gal ah in markii Khilafka Arrintaan cirka isku shareerto in ay soo fara geliso Beesha Caalamka oo laga yaabo in ay ayiddo qorshaha dib u dhigista Aqalka sare, ku darso Xisaabta Mowqifka ay ku adkeystaan maamul Goboleedyada dalka isaga laf ahaantiisa waaa laga yaabaa in beesha Caalamka isaga ku raacaan oo ay ku cadaadiyaan dhammaan Madasha kaas ay isla wada qaataan.

Si kastaba bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa isha ku wada hayo Dhaq dhaqaaqyada Doorashooyinka dalka oo dhiwr jeer dib u dhacyo ay hareeyeen.

W/Q Mohamed Ahmed Jimale
Mjimcaale12@gmail.com.