Xog: Khilaafka Xasan Sheekh iyo Guuleed oo waji cusub yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.

Khilaafka ayaa markiisa hor ka dhashay kuraasta Puntland laga siiyay Aqalka Sare ee dalka, waxaana iminka Khilaafaani sii ololiyay kadib markii C/kariin Guuleed uu kor usoo qaaday Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dib usoo laabashada Xassan Sheekh kuwaasi oo safafka hore kaga jira Liiska xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug.

Madaxweyne Xassan ayaa horay Guuleed uga dalbaday inaanu xubnaha maamulkiisa kusoo darin shaqsiyaadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa, hayeeshee Guuleed ayaa dhagaha ka fureystay codsiga Xassan ee ahaa in la hoos dhigo shaqsiyaadka iminka ku jira liiska xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug.

Khilaafka labada mas’uul ayaa waji cusub yeeshay kadib markii C/kariin Guuleed uu diiday inuu qaabilo Siyaasiyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia kuwaasi oo xal dhex dhexaadin ah ka dhex waday isaga iyo Xassan Sheekh.

Guuleed waxa uu si cad u qaadacay inuu la kulmo Madaxweyne Xassan kadib markii uu ku eedeeyay inuu xumeeyay wanaagii kala dhexeeyay, sida ay xaqiijiyeen Siyaasiyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Khilaafka oo ahaa mid shaqsi ahaan uga dhexeeyay labada mas’uul, ayaa waxa uu hada isku rogay wajiyo cusub, waxa uuna Madaxweyne Guuleed xooga saarayaa sida Xassan Sheekh looga laali lahaa kursiga.

Guuleed waxa uu diiday in Xildhibaanada Galmudug kasoo gali doona BFS uusan kala hadli doonin u codeynta Xassan, hayeeshee ma uusan sheegin sababta.

Docda kale, labada mas’uul ee uu khilaafka hareereeyay ayaan iminka isugu imaan wax kulan ama wadahadal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com