Galmudug iyo Puntland oo ciidamo qarsoodi ah geeyay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay ay heshiis kala saxiixdeen Odayaasha kala matalaaya dhinacyada ku dagaalamaaya magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaya in labada maamul ay ciidamo hor leh soo dhoobeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ay labada dhinac soo dhoobeen magaalada ayaa waxaa la soo warinayaa in saakay ay gaaf wareegayaan xaafadaha kuwaasi oo dareen cabsi leh galinaaya dadka deegaanka ah.

Cabdi-najiib Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay magaalada kusoo gurayaan ciidamo hor leh.

Waxa uu sheegay in ciidamada Galmudug lagu daadiyay gudaha xaafadaha, halka kuwa Puntland ay iyaguna bilaabeen inay gaaf wareegaan qeybaha ay ka heystaan magaalada.

Cabdi-najiib, waxa uu sheegay in goobaha qaar lagu arkaayo gaadiidka dagaalka waxa uuna tilmaamay in dadka shacabka ah ay yihiin kuwo walaacsan.

Wuxuu intaa ku daray in mar waliba ay suuragal tahay in la jabiyo Heshiiskii hordhaca ahaa ee shalay dhexmaray labada dhinac.

Inta aanu mar kale dhicin dagaal ayaa waxaa lagu wadaa in Waxgaradka iyo Culimada deegaanka ay maanta markale kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com