Saddex shaqo adag oo hortaalla xildhibaanada HIRSHABEELE

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele iney horyaalaan shaqooyin adag xiligan.

Seddex howl oo adag ayaa iminka laga doonaya xildhibaanada maamulkaasi ee shalay la dhaariyay iney qabtaan, waxaana ugu horeeya iney doortaan gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Wasiir C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in xildhibaanadaasi qaban doonaan soo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha maamulkaa iyo shaqada ugu adag oo ah iney soo xulaan xubnaha aqalka sare maamulkaasi u matalaya.

Qodobada ayaa kala ah:

1:Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, sida ugu dhaqsiyaha badan

2: Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo la idin ka rabo 15-ka Bisha ka hor.

3:Xulista iyo u codeynta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Bartamaha bishaan ayaa laga doonayaa xildhibaanadaasi iney soo doortaan madaxweynaha maamulkaasi uu yeelanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com