25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog: DENI oo u baxaya safar deg-deg ah + Qorshihiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu wadaa inUU maanta safar deg-deg ah uga baxo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, isaga oo tegi doono magaaada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi u tegi doono inuu ka dardar-geliyo hawlgalka ciribtirka ee kooxdda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland ayaa ah inuu qaabeeyo, iskuna daba rido wejiga 4-aad ee hawlgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Daacish, kaas oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidamada difaaca maamulkaasi oo haatan sii baacsanayaa firaxadka argagixisada.

Saciid Deni ayaa horay u shaaciyay safarkiisa, wuxuuna ballan qaaday inuu tegi doono furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogeliyo halganka ay ku jiraan ciidamada Puntland.

Hawlgalka ayaa haatan xoogiisu wuxuu ka socdaa nawaaxiga Ceelka Rasaqan ee Togga Baallade, halkaas oo todobaadkan ay dagaallo adag ku dhex-mareen labada dhinac, waxaana lagu beegsaday firxadka xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Puntland ayaa muddo dheer wadda dagaalkan, waxaana lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Daacish oo ku yaal Calmiskaad.

Si kastaba, safarkan deg-degga ah ee uu galayo Saciid Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan mowjado siyaadeed ay gashay Puntland iyo xiisad dagaal oo kasoo cusboonaatay dhanka gobolka Sanaag, taas oo la xiriirta dhismaha maamul-goboleedka SSC-Khaatumo.

Xukuumadda Puntland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay aqoonsi ay siiso maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee waqooyiga dalka Soomaaliya, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News