XOG: Lafta Gareen oo kusii jeeda Garoowe + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta tegaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdicasiis Lafta Gareen uu kulan wadatashi ah la yeelan doono dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dhaq dhawaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay safar uu ku aadi lahaa caasimada Itoobiya, wuxuuna haatan sugayaaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan magaalada Garoowe.

Labada maamul ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa xulafo siyaasadeed, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynaha Jubbaland oo illaa doorashooyinkii soo dhammaaday ay saaxibo ahaayeen Deni, balse ay kala tegeen, kadib doorashadii 15-kii May iyo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale marka la eego Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa isku xaalad ah, waxayna wajahayaan muran hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh labadaasi maamul.

Kulanka labada nin ayaa sidoo kale si aad ah isha loogu wada haayaa, ayada oo laga war sugayo waxyaabaha ay soo saaraan ama ku heshiiyaan, kadib wadahadalladooda Garoowe.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Deni yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,isaga oo saacado kadib ku laabtay Puntland.