Xildhibaan shaaciyey sidii beesha D&M ay ku heshay guddoomiyaha Waaberi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka sheekeeyey sidii ay beelaha Digil iyo Mirifle ku heleen kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sideed habeen ay isaga daba noqnoqonayeen xafiisyada madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si ay ugu qanciyaan in maamulka gobolka Banaadir ay kursi ka helaan.

“Kursigaan si aan u soo dhicino, sideed habeen ayaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka isaga daba laabaneynay, waxaan u sheegnay in dadka ugu badan aan nahay gobolkaan, isla markaana aan metelaad u baahanahay,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo la balamiyey kadib, ay madaxdu markii dambe u ogolaatay kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, isagoo xusay inay metelaadaan ku soo dhiciyeen ugu yaraan 20 xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Yuusuf ayaa maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in beeshiisa la siiyo mudnaanta iyo metelaada weli uga maqan gobolkaan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Waliid ayaa xildhibaanada kale ka codsaday inay ku garab siiyaan sidii guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ay garab istaag ugu muuji lahaayeen oo xitaa ay gaari ugu iibin lahaayeen.

Hoos ka daawo