Xog: Madaxweyne Muuse Biixi oo sii daayey qaar ka mida maxaabiistii Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayay munaasibad lagu qabtay madaxtooyada oo loogu dabaal-degayay xuska 18-ka May, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an-tahay in dariskeeda nabad kula noolato.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu shaaciyey inay Xukumadiisu ay qaadatay go’aan ah in Puntland ay kula noolato nabad waarta, taasi oo xal u noqon karta dagaaladii soo noq-noqday ee labada maamul ku dhex maray deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la taagan-yahay xiligii ay labada Maamul ay wada-hadal u furi lahaayen sidii ay iskugu soo deyn lahaayen maxaabiisii lagu kala qabsaday dagaaladii mudada u dhaxeeyay, wuxuuna yiri

“Haddaanu nahay Somaliland oo caawa halkan ku dhan, waxan  doonayaa inaan baaq dheer ugu diro inaynu dalalka jaarka dhammaantoodba inaynnu nabad kula wada noolaanayno, gaar ahaan Soomaaliya oo maanta muran xooggani naga dhexeeya muddo soddon sannadood ah, waxa aannu xuduud ka wadaagnaana waa Puntland xad dheer oo shan boqol oo Kiilomitir ah aannu wadaagno”.

Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweynuhu “Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan”.

Dhinaca kale, Xogo hoose oo aynu helayno ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu sii daayey 17-maxbuus oo kamid ahaa maxaabiistii ay Somaliland kusoo qabteen dagaalkii Puntland, kuwaasi oo ku sii daayey cafis Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa maalintii Jimcihii waxa uu soo saaray wareegto uu cafis ugu fidinayey 517-maxbuus oo lagu sheegay inay ku xukunaayen dembiyada fudud.

Si kastaba, Dalabkan uu Madaxweyne Biixi u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid uu hordhiciisa uu fuliyay Muuse Biixi, iyada oo ilaa hadda aysan wax war ah kasoo saarin Madaxda Maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com