Hormuud Foundation oo Haween dan yar lacag ugu qeybisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay u qeybisay Haween danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Munaasabad ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayna goob jog ka ahaayeen madax ka socotey Hey’adda Hormuud Foundation, Maamulka Gobolka Banaadir & Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Boqol haween dan yar ah lagu guddoonsiiyey lacag Kaash ah oo dhan $100 Dollar qof kasta, si ay ugu kaashadaan baahiyohooda aasaasiga ah.

Basma Caamir Cumar Axmed (Shakeeti) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshadda Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegtay in Fadliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed Madaxda Hay’adda hormuud u istaageen sidii ay Dadka Fuqurada ah u Caawin lahaayeen.

Sidoo kale Basma ayaa sheegtay in Maamulka Gobalka Banaadir uu uga mahad celinayo Caawinaada shirkadda Hormuud ay ufidineyso dadka Tabaaleysan waxay ku boorisay Umada Soomaaliyeed in ay is Caawiyaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Found Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa Qiray in Mar walba Maamulka Hay’adda Hormuud Foundation u taagan yihiin sidii ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateyan u Caawin lahaayeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay Dadaalo dheeraad ah oo ay Hey’adda Hormuud Foundation ay ku caawineyso Dadka ay ku adagtahay in ay maareeyaan Noloshooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo Haweenkan kasoo uruurisay qaar ka mid ah qoysaska dan yarta ah ee ee ku nool Degmooyinka Gobalka Waxay iyada oo ilmeyneysa sheegtay in dadkan Xaaladda ay ku jiraan Awgeed ay Hay’adda Hormuud Foundation uga codsadeen in la caawiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa Madaxda Hay’adda Hormuud Foundation uga Mahad celisay sida ay u aqbaleen Codsigeedii ku aadaana in Dadkan la Caawiyo.

Qaar ka mid ah Haweenka la siiyey deeqdan dhaqaale oo isugu jiray Haween Waayeelo ah, kuwa heysta Carruur Agoomo ah, kuwa aan Awoodin in ay iska bixiyan Kiradda Guryaha, iyo qaar aan Awoodin in ay iska deberaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, ayaa waxay ay si dareen leh mahad naq ugu jeediyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxa ayna sheegeen in tani ay tahay mid lama filaan ah kana haqab tiri karta baahidii ay u qabeen in ay hellaan gar gaarkan oo kale.

Tan iyo Markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Shirkadda Hormuud waxay waday Caawinaad iyo gurmad ay u fidineyso Dadka gargaarka u baahan eek u nool Degmooyinka Gobalka Banaadir sida: Maxaabiista, Agoonta, Naafada xoogga Dalka & Haweenka danyarta ah.