Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo go’aan adag oo yaab leh ka qaatay mooshinka laga diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray inuusan hal dollar oo laaluush ah ku bixin doonin mooshinka ay wadaan xildhibaano ka tirasan baarlamanka Soomaaliya, sida ay xildhibaano xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa 25-kii bishan qortay in tiro xildhibaano ah oo gaaraya 139 xildhibaan ay saxiixeen mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado madaxweynaha, oo ay saddex arrimood ku eedeeyeen. Halkan ka aqri.

Si kastaba, Xasan Sheekh oo la shiray xildhibaan aad ugu dhow ayaa u sheegay in xildhibaanada mooshinka wada ay doonayaan un lacag, balse aysan ka qaadi doonin markan.

“Hal dollar iga arki maayaan, ha geeyaan mooshinka, ama waan ka bad-baadayaa ama xilka ayaan weynayaa, laakiin lacag yaysan iga filan” ayuu Xasan Sheekh ku yiri xildhibaanadii la shiray, oo qaarkood la hadlay Caasimada Online.

Mooshinka Xasan Sheekh ayaa u baahnaan doona 184 xildhibaan, si xilka looga qaado, inkasta oo 90 kaliya ay geyn karaan baarlamanka, waana taas sababta kalsoonida weyn siisay madaxweynaha, sida ay Caasimada Online xogta ku heleyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com