Xog: Magaalada lagu qabanyo shirka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo heshiis qarsoodi ah laga gaaray..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in xildhibaanada beesha Xawaadle intooda badan ay ogolaadeen in gogosha shirka maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan la dhigo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe kadib wadahadal muddo dheer qaatay oo la isku mari waayay, kaasoo labada xildhibaan uga socday magaalada Muqdisho

Hore ayay labada dhinac ugu fashilmeen inay heshiis ka gaaraan markii uu taasi ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, waxaaana markaasi kadib suuragashay in heshiis meel dhex la isugu yimaado iyadoo Jowhar marti gelineyso shirka maamul u sameynta labada gobol, halka Beledweyne ay noqoneyso caasimadda maamulka cusub.

Heshiiska meel dhexaadka ah ayaa wararka qaar sheegayaan inaysan u dhameyn xildhibaanada reer Hiiraan oo kaliya ay gaareen xildhibaano uu hormuud u yahay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone). Waxaana soo baxaya warar laga faafinayo xildhibaanadan oo ah inay heshiis hoose galeen.

Warar kale ayaa sheegaya in ogolaanshaha ah qabashada shirka beddelkeed xildhibaannada Hiiraan ay heli doonaan in caasimadda maamulka ay noqoto magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com