XOG: Magacyada 2 mas’uul oo caan ah oo ka qeyb galaya doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in xubno siyaasiyiin ah oo qaarkood xilal ka soo qabtay DF, ay qorsheynayaan in ay u tartamaan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee doorashadiisa ay dhici doonto 2016-ka.

Siyaasiyiinta hamigoodu yahay in ay ka mid noqdaan musharixiinta xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ayaa qaarkood fagaare ka sheegay; waxaana xubnaha soo qadimay hankooda ka mid ah; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ed Nuur (Tarzan) oo xilli uu ka qeybgalayey Barnaamijka {Fagaaraha} oo ka dhacay Minnesota USA uu ka shaaciyey inuu ka qeybgalayo hadduu cimri ku gaaro doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Xubno ku dhowdhow Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waxey shgeegeen, kaddib markii safiirku uu darsay xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay, ayna dalbadeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa inuu ka mid noqdo tartamayaasha Madaxtinimada Soomaaliya inuu soo jeedintaasi aqbalay, hasse yeeshee uu dib u dhiganayo xilliga uu si (officially) ah u shaacinayo hamigaasi.

Warar ku dhowdhow safiir Ameeriko, ayaa waxa ay sheegayaan in Dowlado ka mid ah kuwa faraha kula jira arrimaha Soomaaliya ay dhinacooda u balanqaadeen Safiirka taageero dhinaca dhaqaalaha ah iyo siyaasadda ah.

Ameeriko, ayaa waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ee xilalka ay ka hayaan dowladda Soomaaliya si dhab ah u gutay, ayada oo Soomaali badan ay ku qeexeen safiirka nin dadkiisa jecel, oo wax walba ka hormariya wax u qabadkooda.

Sannadka 2016 ayaa loo balansan yahay in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho, xilligaasoo la filayo in Dowladda hadda ka jirta ay soo gabagabeyso balanqaadyadii ay horay u sameysay ee ahaa; in ay dalka gaarsiiso hannaan suurtagelin kara in ay ka dhacdo doorasho xor ah, oo qof kasta oo muwaadin ah uu codkiisa dhiiban karo; inkastoo aaney muuqan saansaan loo qaateen ah oo lagu rumeysan karo in balanqaadyadaasi ay dhab noqon karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com