“Puntland diyaar ayey la tahay in ay miiska wadahadalka la fadhiisato DFS”

Nairobi (Caasimada Online) – Kaddib markii dhawaan uu maamulka Puntland ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ku howlanaa siddii loo qaboojin lahaa xildhibaann baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Xildhibaannadaas oo tagay Garoowe kulamana la yeeshay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin siddii ay miiska wadahadalka u soo fadhiisin lahaayeen maamulka Puntland loona dhameyn lahaa khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Xildhibaan Yaasin Seed wuxuu ka mid yahay xildhibaannada Puntland ka soo jeeda, wuxuu BBC-da u sheegay maamulka Puntland in uu diyaar la yahahay siddii uu miiska wadahadalka ula soo fadhiisan lahaa dowladda fedaraalka loona dhammeyn lahaa khilaafka ka dhex taagan labada dhinac.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in aysan jiri karin cid awooda ku maquunin karta wax aaney rabin taasoo uu kala jeeda Puntland laguma qasbi karo maamul aaney raalli ka ahayn.

“Meeshan lugaha ayaa la isaga xiran yahay, ma jirto cid awood gaar ah leh marka waa in wax kasta lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad, aan wadahadalno waa aan heshiino” ayuu yiri xildhibaan Yaasin Seed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in xildhibaannadii tagay Garoowe ay hadda ku laabteyn Muqdisho iyagoona billaabay in ay isku soo dhaweeyaan dowladda fedaraalka iyo maamulka Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay in arrin caadifad aan loo fasiran go’aanka uu madaxweynaha Puntland ugu yeeray xildhibaannada Puntland ka soo jeeda.

“Puntland in ay u yeerato xildhibaannada baarlamaanka ugu jirra, waa arrin xaq ah oo xildhibaanka meesha uu ka soo jeeda waa looga yeeri karaa si arrimo jirra loogala tashado” ayuu yiri.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Pro Jawaari uu soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeyn xildhibaannada tagay Garoowe ee la kulmay madaxda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com