Hawiye oo 8 su’aal oo culus ka keenay howlgalka hub ka dhigista Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Asbuucyadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa ka dhacay Howlgalo loogu wan-qalay Hub ka dhigis, kaasi oo lagu sameeyay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo iyagu dhaliilsan qaabka uu  Dalka u maamulaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Haddaba Howlgaladaasi Hub ka dhigista ah, ayaa waxaa si daran u dhaliilay Beelaha Hawiye gaar ahaan Beesha Murusade iyo Abgaal oo iyagu Tilmaamay inuu Howlgalku yahay mid lagu maja-xaabinaayo Siyaasiyiinta qaar.

Odayaasha kasoo kala Jeeda Abgaal iyo Murusade ayaa waxa ay Howlgaladaasi ka keeneen 8-Su’aal oo lagu kashifaayo Barnaamijka Hub ka dhigista waxaana kamid ah:-

1- Suuragal ma tahay in Dowlada Federaalka ay Hub ka dhigis sameyso iyadoo aan xal laga gaarin Suuqa Cirtoogte ee Hubka lagu iibiyo.

2- Maxaa diiday in Dib u hishiisin & is cafin kadib la sameeyo Hub ka dhigis.

3-Maxaa sababay in Siyaasiyiinta Hubka laga dhigo, Halka Saraakiishii Maxaakiimta iyo Xisbul Islaam ay Muqdisho ku dhex wataan Hub ka farabadan kan Madaxda dalka lagu ilaaliyo.

4-Mala dhihi karaa DF waxa ay Hub ka dhigis ku sameysay shaqsiyaadka ka dhaliila Warbaahinta!!

5-Suuragal ma tahay in Falka Hub ka dhigista uusan lug ku laheyn Xassan Sheikh oo ay wataan shaqsiyaad aan Xilal ka heyn DF balse ah La-taliyayaal qarsoon.

6-Mala soctaan in Qoryihii Howlgalada lagu soo qabqabtay ay galeen gacanta shaqsiyaad laf dhabar u ah Dam-Jadiid.

7-Haddii AMISOM ay dib u gurasho ka sameysay Howlgalada Hub dhigista soo cadeyn uma aha inuu jiro shaki AMISOM ay ka muujisay inuusan xalaal aheyn Siyaasada Hubka lagu Uruurinaayo.

8-Ugu dambeyn Maxaa Howlgalada ku ekeeyay Laba beel oo kaliya!

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com