Muqdisho (Caasimada Online) – Kaddib markii shaley inta badan uu xirnaa suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wax canshuur ah aaney ka qaadin suuqa.
Wasiiru dowlaha maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax canshuur ah aaney ka qaadin suuqa bakaaraha isla markaana ciidanka la sheegay in ay canshuurta qaadan ay yihiin kooxo hubeysan oo aaney jirin cid ay ka amar qaataan.
Wasiiru dowlaha oo tagay Suuqa Bakaaraha isla markaana kulamo la yeeshay guddiyo ay lee yihiin ganacsaytada suuqa iyo rugta ganaciga Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ay ogaadeyn ciidamada canshuurta ka qaada Suuqa Bakaaraha aaney dowladda ka tirsaneen.
Wasiiru dowlaha wuxuu kaloo sheegay in ay ku howlan yihiin siddii loo ogaan lahaa ciidankaas iyo qorshaha ay damacsan yihiin isagoona ka digay in arrintaas ay keeni karto ammaan darro ka dhalata suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labo dhinac ay canshuurta qaadaan kuwaasoo kala ah, wasaaradda maaliyadda iyo dowladda hoose.
Waxaa ka muuqata hadalka wasiiru dowlaha maaliyadda in uu jiro ismaan dhaaf ka dhex jira maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda, maadama la lee yahay ciidanka canshuuraha ka qaada magaalada Muqdisho waa kuwa hoostaga maamulka gobalka Banaadir.
Shaley ayey ahayd markii ganacsatada suuqa Bakaaraha ay ku dhaqaaqeyn shaqo joojin ay uga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeyn in laga qaado goobaha ganacsigooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho