Xog: Maxaa maanta ka cusub xiisada Galkacyo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabulka kulamo loogu gol leeyahay xal u helida Dagaalka u dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Odayaasha labada dhinac oo aan wali wada kulmin ayaa waxaa hadda lasoo warinayaa inuu socdo dadaalo lagu wada kulansiinayo Odayaasha labada dhinac, inastoo Odayaasha Galmudug ay ka caga jiidayaan inay la fadhiistaan Odayaasha Puntland si xal looga gaaro xasarada iminka taagan.

C/raxmaan Xuseen Gaani oo kamid ah Nabadoonadan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inay socdaan dadaalo nabadeed, oo ay ku qaboojinayaan xiisadda ka dhalatay dagaalka.

Nabadoonka ayaa sheegay in wada hadal ka hor loo baahan yahay in xal laga gaaro Colaada Siyaasadeed ee ka dhextaagan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, waxa uuna sheegay in Khilaafka uu yahay mid ka fog dagaalka socda.

‘’Waan ku qasbanahay inaan xal u helno dagaalka taagan ahmiyada ugu weyn waa inaan is cafis u kala dalabnaa labada dhinac kadibna aan u guda galno xalinta Khilaafyada ka weyn dagaalka’’

‘’Waxaan ku baaqeynaa nabadda in la ilaaliyo inta ay iska arkayaan Odayaasha labada dhinac. illaa 1993-kii waxan ka shaqayneynay nabadda iyo sidii lagu wada noolaan lahaa suuragal maaha in xiligaani ay arbushaad bilaaban labada dhinac.”

Sidoo kale, abaabulka lagu doonaayo in lagu kulansiiyo Odayaasha labada dhinac ayaa waxaa ka hadlay Suldaan C/naasir Jaamac Seyd oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfurta Gaalkacyo, waxa uuna Suldaanka sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalin doono Khilaafka ka dhashay dagaalka.

Suldaan C/naasir Jaamac waxa uu ku baaqay in si KMG ah loo baahan yahay in labada dhinac ay u hakiyaan dagaalka islamarkaana dhankooda ay u istaagi doonaan sidii dagaalka looga gudbi lahaa.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay xilligan maaha wax la filaayay dagaal, waxaa la filaayay horumar. arrin la aqbali karo maaha dagaal. Odayaasha, waxgaradka, ganacsatada iyo dhammaan bulshada wada degta Gobolka Mudug waxay ka wada shaqaynayaan nabadda.”

Arrintaani ayaa imaaneysa xili asbuucyadii tagay ay labada maamul wadeen guluf colaadeed oo labada maamul ay ku doonayeen in ay ku hantiyaan wado dheer oo ay wadaagan labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com