Xog: Maxaa ka dhexeeya Coldoon iyo Abwaanadii Al-Shabaab tababarka u soo xireen?

Burco (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku sugan deegaanada Somaliland ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay aflagaado ka dhan ah ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo toos ugu hiiliyey Khawaarijta.

Ninkaan oo weligiis aan ka hadlin dilalka, qaraxyada iyo dhibaatooyinka nooc kasta leh ee kooxaha Khawaarijta ah ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ayaa taas bedelkeed mar kasta u gefa ciidamada qaranka Soomaaliya oo dagaal ahli ah kula jira argagixisada dalkaan uga faa’iideysatay firaaqii dowladnimo ee ku dhacay.

Cabdimaalik ayaa ciidamada Soomaaliya ku tilmaamay kuwo u shaqeeya Mareykanka iyo talisyo kale oo ‘kufri’ uu ku tilmaamay, wuxuuna su’aal geliyey markii ay dhintaan sida ay ‘shahiid’ u noqonayaan.

“Askariga soomaaliyeed ee u dagaalamaya danaha Maraykanka iyo talisyada kufriga ee adduunka sidee buu u noqon karaa shahiid marka la dilo?!” Ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray Cabdimaalik Coldoon.

Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa aragtiyo adag ka dhiibtay qoraalkaan, wuxuuna qof kasta muujiyey sida uu uga xunyahay waxa uu soo qoray Cabdimaalik Coldoon oo marar badan Somaliland lagu dhaliilay sababaha ay u xireyso.

Ninkaan ayaa markiisii hore ku soo caan-baxay mihnadda saxaafadda oo u horseeday in Somaliland ay u dirto xabsiyo dhaadheer oo is xigxigay, dadka Soomaaliyeed ayaa u doodi jiray mar kasta oo la xiro.

Waayihii dambe wuxuu iska noqday samafale dadka danyarta ah caawiya, wuxuuna la soo baxay xajirmo aan gambasho laheyn, taasi oo gaarsiisay in dad badan oo baraha bulshada ka weydiiyaan “goorta uu Jilib aadayo?” Taasi oo macnaheedu yahay goorta uu cadeysanayo Shabaabnimadiisa.

Hadalkaan loogu gefay ciidamada Soomaaliya ee jihaadka kula jira argagixisada, wuxuu Cabdimaalik Coldoon kasoo yeeray iyadoo maalin ka hor ay Shabaab baraha bulshada ku faafiyeen sawirrada Abwaano ka soo jeeda deegaanada Somaliland oo Muqdisho jooji jiray, balse aaday kooxda, kuwaas oo tababar loogu soo xiray degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xiriir ka dhaxeeyo Cabdimaalik Coldoon iyo Abwaanadii caanka ahaa ee horay ugu biiray Khawaarijta, balse qoraalka Cabdimaalik ayaa cadeeyey wax badan oo humaag ay ku jirtay, waxaana qof kasta u cadaatay in ninkaas uu ku aragti yahay kooxaha argagixisada ah ee gumaadaya shacabka Soomaaliyeed muddo ku dhow 20 sano.

Xogta aan heyno waxay timaaxeysaa in Abwaan Nageeye iyo Abwaan Gama’diid oo shalay Shabaab tababar u soo xireen ay xiriir toos ah la leeyihiin Cabdimaalik Coldoon, xiriirkooda ayaa soo jiray ilaa yaraantoodii, maadaama ay yihiin isku deegaan iyo xigto.

Waxaa hadda suurtagal ah in Cabdimaalik Coldoon uu toos ugu biiro Al-Shabaab, maadaama ay isku biirsadeen faquuq uu kala kulmayo bulshada oo postigii uu soo dhigaba qeybta aragtisa ku weydiisa goorta uu aadayo dhanka Jilib iyo Khawaarijta, iyo tashkiilin joogto ah oo ay ku hayaan saaxiibadiisii qaaday jidka halaagga ee shalay Shabaab soo bandhigeen iyagoo tababar ka soo baxay oo ‘diif’ badani ka muuqato.