Xog: Maxaa ka jira dhacdada la sheegay inay dhex martay Cali Mahdi iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayey dhacdo la sheegay inay dhex-martay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo ilaalada madaxwene Farmaajo.

Caasimada Online oo arrintan xaqiijin ku sameeyey ayaa la hadashay xubno ka mid ah qoyska Cali Mahdi, kuwaas oo xaqiijiyey inay sax tahay oo ay jirto in ilaalada Farmaajo ay celiyeen madaxweynihii hore.

Waxay sheegeen in Cali Mahdi laga celiyay mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ilaalada madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ay ku xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi uu ku maro wadada.

Cali Mahdi oo sida aan xogta ku helayno aad uga xumaaday arrintaas ayaa askartii ku war geliyay in uu yahay madaxweynihii hore ee dalka, cid aqoonsi uu uga baahanyahana aysan jirin.

Askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ayaa iyaguna ku adkeystay in wadadaas loo diido in uu maro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, hadii uusan wadan aqoonsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay gaartay arrintu oo uu soo fara galiyay, waxaana uu xaafiiskiisa ku qaabilay Cali Mahdi oo ka mid ah madaxweynayaashii isaga ka horreeyay, waxa uuna ka raali galiyay falka ay kula kaceen askartiisa.

Raali galin kadib ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Cali Mahdi in loo sameeyo aqoonsi ama ID CARD uu ku maro wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxaana mar kale arrintaas aad uga carooday madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

“Ma anigaa aqoonsi la ii sameynaa, oo ma adigaa aqoonsi aan Xamar ku joogo ii samaynaya?” ayuu yiri Cali Mahdi, sida aan xogta ku helnay kadibna isaga soo tagay xafiiska Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib Cali Mahdi u diray xubno ay ka mid yihiin duqa Muqdisho Cumar Finish, iyo Salaad Cali Jeelle iyo Cali Geedi Maxamed oo ah laba ka mid ah siyaasiyiinta beesha Abgaal ee mushaharka ka qaata Villa Somalia si ay u taageeraan Farmaajo, kuwaas oo Cali Mahdi gaarsiiyey raali-gelin, sidaasna lagu xaliyey kiiska.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com