Xog: Maxaa ka jira in Abiy Ahmed iyo Afwerki ay berri imanayaan MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii dhowaa aad u werinayey in hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ay berri iman doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida wararkan lagu sheegay safarka Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa daba socda kulankii magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya ay ku yeesheen madaxda Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Si kasaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin in Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ay berri imanayaan Muqdisho.

“Waxaan kuu xaqiijin karaa 100% in warkaas uu been yahay. Ma jiro shir saddex geesood ah oo dhacaya berri ama toddobaadkan gudihiis” ayuu yiri mas’uul la hadlay Caasimada Online.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, iyo Afwerki iyo Abiy ayaa horey ugu kulmay magaalooyinka Asmara 5 – 6 September 2018, iyo magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018, waxayna galeen heshiisyo ku saabsan is-dhexgal dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com