Xog: Maxaa ka jira in RW Kheyre uu wado qorsho xil loogu magacaabayo Lafta Gareen?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu wado qorsho xil cusub loogu magacaabayo Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen.

Xildhibaan Lafta Gareen oo garab u ahaa Xukuumada Somalia, ayaa ku guuldareystay doorashadii 30-ka Bishii April ka dhacday xarunta BFS ee magaalad Muqdisho.

Qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay inuu yahay in Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen loo magacaabo Wasiirka Gaashandhiga Somalia.

Lafta Gareen oo kamid ahaa Musharaxiinta ay wadatay Xukuumada ayaa markiisii hore lala galay heshiiskaasi, waxaana iminka lagu wadaa inuu bedeli doono Guddoomiye Maxamed Mursal oo isagu baneeyay xilkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada ayaa inoo xaqiijiyay in magacaabida Lafta Gareen ay dhici doonto wixii ka danbeeya xil wareejinta Guddoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta aan xogtaani kasoo xiganay ayaa sheegaya in dhammaan Wasaaradaha banaan la buuxin doono maalmaha fooda nagu soo heysa, iyadoo ay calaameysan yihiin shaqsiyaadka loo magacaabi doono xilalkaasi.

Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho dhinacyada mucaaradka iyo kuwa taageersan dowladaha shisheeye looga sifeynaayo xarumaha dowlada, waxa ayna tani qeyb ka tahay talaabada lagu magacaabi doono Lafta Gareen.

Ma cadda sida uu arrinku noqon doono, waxaana jira mas’uuliyiin badan oo horay loogu ballanqaaday xilalka banaan, halka qaar kalane loo wado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com