Xildhibaano & Odayaal dhaqmeed sabab yaab leh loogu xiray magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xabsi guri la dhigay Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeen dhowr ah.

Xildhibaanada iyo Odayaasha ayaa la xaqiijiyay inuu Xabsi guri ka dhigay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kadib markii ay qaaden talaabooyin khaldan.

Odayaasha xabsi guriga la dhigay ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan ilaa 25 Oday dhaqmeed oo ka mida waxgaradka Dhuusamareeb iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka oo dhowr ah.

Xildhibaan Cabdi Galad, ayaa kamid ah Xildhibaanada xiran ee ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxaana loo xiray dadaalo uu ugu jiray in odayaasha la soo daayo.

Sidoo kale, Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa dhinacyadaasi ku eedeeyay inay hurinayeen colaado dhawaanahaani ka taagnaa Nawaaxiga Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka aamusi doonin talaabooyinka khaldan oo ay qaadayaan shaqsiyaadka aan la adeejin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com