Khudbad ceynkee ah ayuu RW Kheyre ka jeedin doonaa Shirka Magalaada Brussels (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah Khudbad ka jeediyo shirweyne ka furmaaya  Magalaada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirka uu maanta Khudbada ka jeedinaayo R’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa marti ku ah Dowladaha saaxiibada la ah Somalia, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha ku yabooha Somalia.

Shirkan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana diirada lagu saari doonaan arrimaha Somalia, gaar ahaan xiliga kala guurka.

Qodobada shirka laga saarayo diirada ayaa waxaa kamid ah qorshaha ciidamada Somalia ay kula wareegi lahaayen amniga dalka iyo bixitaanka Ciidamada AMISOM.

Shirka ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, waxa uuna gogol xaar u yahay shir  kale oo dhacaya bartamaha sanadkan.

Cali Saciid Faqi, oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada Somalia iyo shacabkeeda.

Sidoo kale, Cali Saciid Faqi, ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ka faa’ideysato fursadaha horyaal maadaama qodobada laga hadlaayo ay noqon doonaan kuwo diiwaanka galaaya.

Dhinaca kale, shirka kadib Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo khaas khaas ah la qaadan doona Madaxda ka qeybgalaaya shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com