Dalkaan aaway dadkiisii (Maxaa u dambeyn doona Gaas, Madoobe iyo CC Shakuur?)

Waxaan soo xasuustay dhacdo i soo martay sannadki 1982 markaasoo nin profesoor ahaa oo talyani u dhashay yimid Xamar asagoo wada baaritaan arrimaha Somaliya.  Wuxuu raadiyay turjubaan la shaqeeya, markaasa la ii keenay si aan ula shaqeeyo, waase ka cudur daartay waayoo waxaan ahaa shaqaale dowlada u shaqeeya oon fursad u heli karin howlaha iyo waqtiga ow u baahan yahay. Wuxuu i weydiiyay su’aal aanan weligey illaabin oo ahayd ” aaway dadki Muqdisho joogi jiray sanadihii lixdameeyada”.. markaasuu socdaal ku yimid lana kulmauy, sida uu sheegay, dad aad iyo aad uga duwan dadki markaas ku noolaa Muqdisho.

Dhacdadaas waxaa i soo xasuusiyay heerka ay maanta mareyso arrinta Somaliya.  Waxaa dalki taladiisa qabtay dad ka arradan shucuurti wadaninnimo oo diyaar u ah inay dalka oo dhan ku wareejiyaan ciddi xoogaa lacaga siisa.  Waxay cudur daar ka dhigteen gobolkeyga ayaan u daneynayaa…waa been gobol iyo guri midna dan kama laha waxayna diyaar u yihiin inay xataa qoyskooda ku wareejiyaan ciddi xoogaa siisa.

Waxaa soo baxay dad dareenki ka dhintay oo aan lahayn wax muqaddas u ah. Kuwa lagu magacaabaya Madaxda gobollada waa dad aad rakhiis u ah oo wax ka xaaraan ah aysan jirin…taasina waxaa ka xanuun badan inya ummaddi dalkaan lahayd qaarkood ay u xagliyaan ama la saftaan dowladu u tafa-xeytay inay dalkaan dumiyaan, kuna taageeraya xoogaa dhaqaale ah ay ka helaan in dalkooda baab’ana aysan waxba la ahayn.

Ma la arki doonaa shacab weyne ka soo horjeesta Cabdiweli Gaas, Axmad Madoobe, Shariif Xasan, ina Cabdirashiid iyo ina Cabdishakuur iyo kuwa la midka ah ee ku jira barlamaanka iyo dowladda, tusiyana in dalkaani uu leeyahay dad u damqada una diyaara inay u dhintaan si looga badbaado burburka nagu soo fool leh oo ay maleegeyso dowladda Imaaraatka iyo inta ay ku adeegato oon dalkaan wax dan ah ka lahayn.  Inta ay talada ka go’do maanta waa qurbajoog dibadaha ka yimid, kuwa aan weli tegina loo ballanqaaday in la geynayo meeshi ay rabaan si ay burburka baaxadda weyn ee soo bidhaamaaya uga badbaadaan iyaga iyo qoysaskooda…waa haddii ay qoys dan ka leeyihiin!!!

Dhinaca kale, Imaaraatka eedda ma wada laha oo waxaa la wadaaga dadka dowladda ugu sarreeya oo iygaba sida kuwa aan soo sheegnay afkoodu furan yahay sida shimbiraha oo wada raba in afka wax loogu rido loona buuxiyowaana loogu riday mana jiro midkood ka hadli kara ama ka jawaabi kara hadallada gurracan ee ka soo baxaya Cabdiweli Gaas..Si faahfaahin dheeraadka looga bixiyo muxuu M/weyne Farmaajo u saxiixi waayay go’aanki Barlamaanka ee DP World..muxuuse Xasan Kheyre jawaab uga bixi waayay hadalaki Gaas. Mase waa la wada shibiyay?

Waxaa maqaalkaan ku lifaaqan qoraalo hore oo cinwaankoodu ahaa:  SOMALIYA DAL AAN DAD LAHAYN 1&2.

Axmad Calasow