CC Shakuur ma fahamsan yahay Isu dheeli tirka awooda (Checks and balance)

Inkasta oo aan taageersanahay in dalku uu mar walba yeesho mucaarad indhaha shacabka tusa god daloolooyinka dawladnimo ee ay arkaan, hadana waxaa mudan in qaybaha hogaanka u ah mucaaradku ay shacbiga la qaybsadaan fikrado la aqbalikaro.

Doorashadii gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka waqti yar uun ka hor waxa baraha bulshada lagula xidhiidho ee madaxda mucaaradka lagu soo qoray, in baarlamaanka Soomaaliya ay u hiiliyaan cadaaladda, dalkana laga bad baadiyo in uu gacanta u galo shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo maroorsada awooda dalka. Waxayna arinkaas ku fasireen in hadii la doorto cidda ay wadato dawladdu ay meesha ka baxayaan awoodihii isu dheelitirnaa( checks and balance system), iyagoo ku booriyey baarlamaanka in la dhawro kala qaybsanaanta awoodahaas( Separation of powers).

Hadaba su’aasha is weydinta mudan ayaa ah, isu dheelitirka awoodaha dawladnimo ama kala saarista awoodahaasi ma in ay dalka hogaaminayaan siyaasiyiin aan isku jiho u soconbaa? Mise macnaha dhabta ihi waxa weeye in marka la joogo dhanka Dastuurka ay qolo waliba leedahay awoodo aanay ku soo xad gudbikarin qolada kale?

Waa kan Montesquieu oo ku qeexaya buugiisa Separation of powers, wuxuu leeyahay sidatan;

Kala saarista awoodaha, waxaa loola jeedaa kala qaybinta mas’uuliyadaha ee laamaha kala duwan si loo yareeyo in laan kamida ay ku takrifasho awoodaha ama shaqooyinka muhiimka ah ee takale.

“Separation of powers, therefore, refers to the division of responsibilities into distinct branches to limit any one branch from exercising the core functions of another.

Sidaa awgeed, doorashada gudoomiye ku mabda’ dhaw xukuumadda talada haysa, macanaheeda maahan in lakala dhantaalay awoodihii isu dhignaa, dalkana loo gacan geliyey koox aan wax mucaarad ahi ka soo dhex fujaameyn.

W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif
Contact: rufaaci14@gmail.com